Gaalkacyo, (Mareeg.com): Wasiirkii garsoorka iyo arrimaha diinta maamulka Galmudug, Sheekh Xijaaz Macallin Maxamed ayaa shalay xanuun awgiis ugu geeriyooday magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Meydka wasiirka Sheekh Xijaaz ayaa lagu wadaa in saaka laga soo qaado Hargeysa, lagana dejiyo garoonka diyaaradaha Gaalkacyo si halkaas loogu aaso.
Wasiirka la sheegay inuu xanuunsanayey dhawaanaha, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Itoobiya, hase ahaatee wuxuu ku geeriyooday Hargeysa, itii uu safarka kusii jiray.
Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa lagu wadaa in marxuumka maydkiisa la keeno magaalada Gaalkacyo si loogu aaso, waxaana haatan magaaladaas ka socda qaban-qaabada aaska wasiirkii hore ee cadaaladda Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug C/samad Nuur Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka ayaa wada howlaha lagu aasayo wasiirka geeriyooday.
Mareeg.com