Wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan oo gaarey Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan oo gaarey Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada kismaayo ee arunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta uu halkaasi gaarey wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabi Nuur (Janan) oo booliska Soomaaliya sheegay in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdi Rashiid Janan iyo Xubno kale oo la sida ay doon sidey ka degtay Dekadda kismaayo,sida uu sheegay in Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashaoodu tahay Jubbaland.

Lama oga halka ay doonta sidey Cabdi Rashiid Janan ay ka qaadey,hayeeshee Mas’uuliyiin ka tirsan jubbaland ay sheegeen in uu ku sugan yahay Madaxtooyada Jubbaland,isla markaana Warbaahinta la hadli doono.

31-kii Bishii Agoosto ee Sanadkii 2019 ayaa Dowladda Soomaaliya ay xirtey Cabdi Rashiid Janan xilli uu ka dhoofayey Garoonka diyaaradaha Mudisho,hayeeshee 28-kii Bishaan ay Booliska Soomaliyeed ay sheegeen in uu ka baxsadey halkii uu

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!