Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya oo gaartay Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya oo gaartay Garowe

Mareeg.com: Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Khadra Bashiir Cali iyo wafdi uu hogaamineyso ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey wasiirka waxbarashada maamulka Puntland, Cali Xaaji Warsame iyo xubno kale.

Wasiir Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay iney Garowe u tagtay sidii loo tayeyn lahaa manhajka waxbarashada Soomaaliya iyo sidii xiriir wanaagsan u dhexmari lahaa wasaaradda waxbarashada Federaalka iyo tan maamulka Puntland..

Wasiirka cusub ee waxbarashada oo dhawaan Muqdisho kula shirtay mas’uuliyiinta dalladaha waxbarashada ee ahliga ah ayaa u sheegtay in sanadkaan imtixaan imdeysan laga qaadayo ardayda shahaadiga ee dugsiyada sare, kaasoo ay isla dejinayaan wasaaradda iyo dalladaha.

Lama oga in wasiiraddu dooneyso in qorshahaas ay qeyb ka noqoto Puntland iyo inkale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!