Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Shacabku Ha Is Dejiyaano, Madaxweynahu Waa Ladan Yahay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Shacabku Ha Is Dejiyaano, Madaxweynahu Waa Ladan Yahay

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa dhankiisa beeniyey warar Muqdisho iyo meelo kale lagu faaffiyey oo sheegayey iney liidato xaaladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Turkiga u jooga arrimo caafimaad.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la faafiyey ee sheegayey in madaxweynuhu liito ama uu geeriyooday, wuxuuna shacabka ka codsaday iney deganaansho muujiyaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa tilmaamay in wararka sheegaya in Madaxweynaha uu geeriyooday uu yahay mid waxba kama jiraan ah, isagoo xusay in goordhaw ay la hadleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana uu dalka Turkiga u aaday madaxweynuhu safar aan rasmi ahayn.

“Wararka ay saaxafadda qaar baahisay waa mid waxba kama jiraan ah, dadka arrimahaasi been abuurka ah buun buuniya hay’adaha ku shaqada leh ayaan u xilsaarnay, shacabkana waxaan ka codsaneynaa inay is dajiyaan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu goordhaw shacabka kala hadli doono warbaahinta, islamarkaana aysan bulshadu dhag jalaq u siinin shaqsiyaadka wararka been abuurka faafinaya.

Meelo ka mid ah dalka Soomaaliya oo Muqdisho ugu horreyso ayaa gellinkii hore eemaanta lagu faafiyey warar sheegaya in madaxweyne Xasanb uu dalka Turkiga ku geeriyooday, wararkaas oo dadku ku jiha wareereen.

Beeninta kazoo yeertay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow iyo afhayeenka madaxweynaha Eng. Yariisow ayaa muujineysa saameynta wararkaan la faafiyey ku yeesheen dowladda Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!