Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Ka Qeybgelaya Xuska Qowmiyadaha Itoobiya

Read Time:1 Minute, 23 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgelaya xuska qowmiyadaha dalka Ethiopia C/llaahi Ciilmooge Xirsi, kaasoo berri oo axad ah ka furmaya magaalada Jigjiga ee xarrunta dowladda deegaanka Soomaalida.

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Boostadda iyo gadiidka Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ka ambabaxay Muqdisho waxaa ka mid Wasiiro, Xildhibaanno, ururrada bulshadda rayidka iyo odoyaal dhaqanka.

Wasiirka iyo Wafdigiisa oo kusii jeeda Dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, waxayna halkaasi uga qeyb geli doonaan shirka qowmiyadaha dalka Ethiopia oo ay ka qeybgelayaan 9 dowlad deegaan ee dalka Itoobiya iyo wakiilo ka kala socda ilaa 20 dowladood.

C/laahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Warfaafinta oo garoonka diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho shalay galab kula hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay safarkan ay ugu ambabaxayaan dalka Ethiopia.

“Munaasabadda aan u socono waxa ay ka dambeysay casuumaad aan ka helnay Ismaamulka Soomaalida ee dowladda Deegaanka Ethiopia, anaguna waan aqbalnay casuumaadasi, anagoo ka kooban Wasiiro, Xildhibaanno, bulshadii rayidka iyo dhaqankii oo dhan ayaan ku soconaa, waxa ayna tani muujineysa xiriirka aan la leenahay dowladda Ethiopia” ayuu yiri wasiir Ciilmooge.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Wasaaraddu ay waddo qorshe ku saabsan sidii dhaqanka, fanka iyo isgaarsiinta ay isu weydaarsan lahayn labada dowladood, taasi oo uu ku sheegay in la qaban doono lixdii bil marba, isagoo tilmaamay in taasi ay xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood ka dhexeeya ahaan dowlad deegaanka Ethiopia ee Jig jiga.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa iyaguna ku sugan magaalada Jigjiga, iyagoo ka qeybgelaya kulanweynahaas.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %