Wasiirka Warfaafinta Oo Muddo Gaaban U Qabtay In Warbaahintu Isku Diiwaan Geliso

Muqdisho – Mareeg.com: Wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku amartay warbaahinta iyo isgaarsiinta iney is diwaan geliyaan.

Qoraal kazoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llahi Ciilmooge Xirsi ayaa lagu amray dhamaana qeybaha kala duwan ee warbaahinta iney isku diiwaan geliyaaan kama dambeys 10-ka bisha November 2013.

Dikreetada kazoo baxday xafiiska wasiir Ciilmooge Xirsi ayaa lagu sheegay in xarumaha warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta, madbacadaha iyo kuwa internetka in ay isdiiwaan-geliyaan, islamarkaana ay qaataan ruqsad shaqo.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku amartay shirkadaha ruqsaduhu ka dahceen iney soo cusbooneysiistaan.

Waxaa lagu xusay dikreetada in ciddii u hoggaansami weyda amarka wasaaradda wixii ka dambeeya 10-ka November loo gudbin doono wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Qoraalka kazoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta ayaa lagu sheegay iney jiraan xarrumo warbaahineed oo qaatay amarkii horay uga soo baxa wasaarada ee ahaa iney is diiwaan geliyaan, balse ay jiraan qolooyinka aan is diiwaan gelin.

Booliska Soomaaliya ayaa shalay xiray idaacadda Shabeelle kadib markii muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay ay uga guuri weyday dhisme ay leedahay shirkaddii Somalia Airlines oo ku dhow garoonka Muqdisho.

Mareeg.com