Wasiirka warfaafinta oo howl xukuumaddu qabatay ka reebay warbixintiisa!!

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Cali Dhuxulow oo looga bartay inuu tododobaadkiiba mar warbaahinta sii mariyo horumarka xukuumadda Soomaaliya sameysay ayaa warbixintii uu manta soo saaray iska indha-tiray qeyb ka mid ah howlaha todobaadkii tegay dowladda Soomaaliya qabatay.

23-kii June 2014, waxaa magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixaday wakiillo ka kala socday labo qolo kala watay maamulka Koonfur Galbeed ee 6-da gobol iyo maamulka Koonfur Galbeed ee 3-da gobol.

Heshiiskaas waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysulwasaare C/weli Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wakiilada beesha caalamka u jooga Muqdisho.

Heshiiska uu warbaahinta u aqriyey afhayeenka xukuumadda Soomaaliyda, Ridwaan Xaaji C/weli, kana koobnaa 11 qodob ayaa u qornaa sidan:

1. Labadan maamul ee saddexda iyo lixda waxay isku waafaqeen inay dhistaan hal maamul oo loogu yeeri doono maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

2. Xukuumadda Somalia oo kaashanaysa beesha caalamka waxay xaqiijinaysaa in dhammaan beelaha Soomaaliyeed dega gobolladan Jubbooyinka iyo Gedo ay si cadaalad ah u wadaagaan maamulka.

3. Xukuumadda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dhammaan beelaha dega gobollada Koonfur-galbeed inay si cadaalad ah u wadaagaan maamulka Koonfur-galbeed.

4. Marka ay habboonaato, xukuumaddu waxay fududeyn doontaa wada-tashi dhex-mara maamulka KMG ah ee Jubba iyo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed si ay u wadaagaan danaha labada dhinac quseeya.

5. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ka kooban 13-xubnood, guddigaas oo dhinac walba uu ka imaan doono min shan xubnood halka saddex xubnood ay ka imaan doonaan dhinaca dowladda Soomaaliya laguna soo dhiso muddo toban maalmood ah, kaddib marka la saxiixo heshiiskan. Guddigu waxay soo diyaarinayaan kuna heshiinayaan habka iyo wadiiqada loo marayo dhismaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed.

6. Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaysa beesha caalamka waxay xaqiijinaysaa wixii looga baahan yahay iyo xaqiijinta dhismaha maamulkan KMG ah.

7. Labada dhinac waxay isku waafaqeen dhameystirka geeddi-socodka lagu soo dhisayo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed muddo 30-maalmood gudahood ah, kaddib marka heshiiska la saxiixo.

8. Xukuumadda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dhisidda maamulka KMG ah loo maro hannaan ku dhisan nabad iyo xasillooni lagana fogaado wixii halis gelin kara nabadda iyo amniga.

9. Xukuumadda Federaalka Somalia waxay ku dadaali doontaa sii wadidda wadatashiga hoggaamiyeyaasha bulshada, sida odayaasha dhaqan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo xaqiijiyo meel-marinta & xal u helidda howlaha dhiman iyadoo loo marayo hab wadatashi ah oo loo dhan yahay.

10. Beesha caalamka waxaa laga codsanayaa inay taageeraan geeddi-socodka iyo furlinta heshiiskan muhiimka ah iyo in laga qaado tallaabo ku habboon oo lid ku ah ruuxii ka horyimaada ama carqaladeeya geeddi-socodka nabadda dalka.

11. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan.

Hadaba sida ka muuqata qodobadan, heshiiskaan waxaa kaalin weyn ku leh xukuumadda Soomaaliya, waxeyna xukuumadda dusha u ridatay mas’uuliyadda ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan, hase ahaatee wasiirka warfaafinta ayaa meel iska dhigay howshaas xukuumadda, madaxtoooyada iyo gudoonka baarlamaanka wada qabteen.

Sida ka muuqata warbixinta todobaadle ah ee manta soo saaray wuxuu kazoo bilaabay 22-kii June, wuxuuna ka tegay heshiiska oo dhacay 23-kii June.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xooga saaray ka hadalka shirkad diyaaradded, isagoo iska indha-tiray heshiis lagu kala qaboojiyey dhinacyo muranka u dhaxeeyey keenay rabshado dhibaato ka geystay Baydhabo.

Waxaa laga yaabaa in wasiirka warfaafintu uu qodobkaas warbixintiisa uga reebay cadaadis odayaasha Hawiye saareen xubnaha beeshaas ugu jira xukuumadda iyo baarlamaanka.

Odayaal sheegay iney ku hadlayaan magaca Hawiye ayaa warbaahinta horay uga sheegay iney diidan yihiin in gobolka Shabeellaha Hoose la midoobo Baay iyo Bakool, waxeyna warbaahinta ka sheegeen iney wasiirada iyo xildhibaanada iyaga kazoo jeeda ugu baaqeen ineysan shaqada dowladda xaadirin.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245