Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya Oo Maanta Hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya Oo Maanta Hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Dalka

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Magaalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha Aqalka sare shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigenka 1 aad Abshir Maxamed (Abshir Buqaari).

Ugu horeen Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa mudanayaasha ugu warbaxiyay qaab dhismeedka Wasaaradda iyo horumarada ay sameysay Wasaaradda, sidoo kale waxuuu sharaxaad ka siiyay mashaariicda hada ka socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharaxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,islamarkaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa Su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socda dalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta Qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha aywaydiiyeen mudanayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed (Abshir Buqaari) ayaa bogaadiyay howlaha  dalka ay u hayso Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!