Wasiirka qorsheynta Somalia oo la kulmay dhigiisa Jarmalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka qorsheynta Somalia oo la kulmay dhigiisa Jarmalka

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa dalka Jarmalka kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Thomas Silberhorn, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Qoraal kooban oo uu Cabdiraxmaan Ceynte soo dhigay bogga arrimaha bulshada ee Facebook ayuu ku sheegay ujeedda uu u tagay Jarmalka soo nooleynta iskaashigii Jarmalka ee ku aaddanaa fulinta mashaariic horumarineed oo ay kamid ahaayeen biyaha, beeraha, farsamada gacanta iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya.

Ceyne-iyo-dhiggiisa

Wuxuu tilmaamay in uu casuumaad rasmi ah ka helay masuuliyiinta dalka Jarmalka.

Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sidoo kale la kulmay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jarmalka Edelgard Bulmahn, agaasimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jarmalka, kuwaasoo uu kala hadlay wada shaqeyn iyo iskaashi dhow oo dhex mara labada dal.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!