Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire oo iibsaday hub farabadan

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo hub aroorsi kawada magaalada Gaalkacayo
Read Time:1 Minute, 27 Second

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta iibsaday hub dhowr nooc ka kooban kuwa culus Dhashiike (Dskh) ee lagu xiro gawaarida loo yaqaan Technicals.

Shan qori oo kuwa Dhashiikaha ah waxaa midkiiba waxa uu ka bixiyay $13,250 oo doolar iyo hubka kale yaryar farabadan Sida xog rasmi ah aan ku helnay Wasiirka wuxuu bixiyey lacag dhan 100,000 oo Doolar.

Dad ku sugan magaalada Gaalkacayo ayaa inoo xaqiijiyay iney maqleen daryanka raasaas xoog leh oo laga riday meel aan sidaas uga fogeyn airport ka Gaalkacyo taa oo lagu sheegay iney aheyd hubka uu iibsaday oo la tijaabinayey. Isla meeshaas oo u dhow quubaraha Gaalkacyo ayaa saaka waxaa lagu aasay todobo qof oo u dhintay cudurka Koronaha (Covid-19), waxaa ka mid ahaa dadka la aasay saaka Nabadoon aad caan uga ahaa Gaalkacyo.
Bal qiyaas inta oxygen ee isbitaalka u gadi karto ama dawooyinka muhiimka ah ee lagu caawin karo dadka masaakiinta ah ee Gaalkacyo degan intii looga nixin lahaa dhoolatuska tijaabinta hubka culus.

Waa markii Saddexaad wasiirka maaliyadda Puntland uu hub culus ka iibsado Gaalkacyo 5tii bilood ee lasoo dhaafay iyada oo ay xusid mudantahay in shacabka ay arrintan hub aruursiga aad looga welwelsanyahay.
Shabakada hubka u keenta Wasiirka Waa dariiqii contraband ka ee la yaqaanay Yemen- Xarardhere-Gaalkacyo.
Sida la sheegay markuu Bosaso joogay wuxuu soo iibsaday hub kale, weli baaris baan ku haynaa nooca iyo tirada hubkaas.

Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa maalmahan ku sugnaa Gaalkacayo maanta ayey cadaatay sababtuu u yimid magaalada, majirto wax xiriir ah oo ka dhexeeya Odeyaasha Gaalkacyo iyo Xasan Shire Abgaal.

Shalay ayaan baahinay xog ku saabsan hubka aruursiga wasiir Xasan Shire Abgaal.

Ku dhufo Linkiga Hoose.

Xog: Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Abgaal  oo hub aruursi kawada magaalada Gaalkacayo

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.