Wasiirka Maaliyadda oo ku guulaystay dayactirka xaruntii hore ee Wasaaraddu lahayd+Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Maaliyadda oo ku guulaystay dayactirka xaruntii hore ee Wasaaraddu lahayd+Sawirro

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aaden Ibraahim Farkeeti ayaa ku guulaystay dib u dhisidii Wasaaradii hore ee Maaliyadda oo ku taalay xaafada Shangaani,

Dhismaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa maraya heer gaba-gabo ah, waxaana la furayaa bartamaha bisha July. Wasaarada ayaa ka kooban 72 qol iyo dhowr holaal loogu tala galay shirarka.

Sidoo kale, Wasaarada Maaliyadda ayaa casriyeysay nidaamka lagu canshuuro Nootaayooyinka, ilaa iyo iminkana waxaa isticmaala nidaamkaan 53 Nootaayo oo ka howl gala magaalada Muqdisho.

Nidaamka cusub ayaa u shaqeeya qaab online ah, waxaana arinkaan sababay kor u kac dhaqaale iyo ka hortaga musuqa maasuqa. Nootaayooyinka ayaa kala iibiya hantida ma guurtada ah iyo tan guurta, waxaana dhamaan lacaga
wax lagu kala gato laga qaada canshuur.

Wasaaradda ayaa dhanka kale ku guulaysatay hirgalin nidaamka maamulka maaliyadda dalka, kaas oo hadda lagu baahiyey maamul goboleedyada, arinkaas oo kor u qaadaysa kalsoonida deeq bixiyayaasha caalamka,wasaaradmaliyada_soomaaliyeed
waxaa kale oo wasaaradu soo celisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adaha Caalamiga sida IMF, World Bank iyo African Development Bank.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!