Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Maaliyadda & Guddoomiye Filish oo heshiis kala saxiixday

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda ee XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sharxay heshiiskan iyo qaabka dhismo ee magaalooyinka dalka laga hirgalin doono,waxaana uu sheegay in uu muhiim u yahay dhismaha Wadooyinka Burbursan ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa ka hadlay ahmiyada mashruucani ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir si wanaagsan ay ku hirgali doonaan Mashruucaan.

Wasiirka howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!