Wasiirka Garsoorka Iyo Arrimaha Dastuurka Oo La Shiray Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Garsoorka Iyo Arrimaha Dastuurka Oo La Shiray Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Dastuurka Faarax C/qaadir iyo ku xigeenkiisa C/laahi Bile Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya, iyadoo la filayo in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo arrimaha garsoorka dalka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Abuukaate Ceydiid C/llaahi (Ilka-xanaf) oo ah gudoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka C/qaadir Maxamed Muus, Qareenno, gudoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka gobolka Banaadir iyo kaaliyayaasha Maxmadaha gobolkaa ayaa ka qeybgalay kualnka oo ka dhacay xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Qareennada ka howlgala Hay’adaha Garsoorka dalka, waxaa ayna ka warbixiyeen mar-xaladaha uu soo maray garsoorka Soomaaliya kadib burburka dalka iyo ka hor iyaga oo ka dhawaajiyay in dhibaatooyinka kala duwan ay la kulmeen dhamaan howlawadeenada hay’adaha garsoorka.

Xeer ilaaliyaha Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa ayaa balan-qaaday inay si wadajir ah ula shaqeeyn doonaan dhamaan hay’adaha Garsoorka dalka iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee Wasaaradda Garsoorka ee dhawaan la magacaabay.

Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Abuukaate Caydiin Ilka-Xanaf ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo Wasiirka iyo ku xigeenkiisa asaga oo dhanka kale ka warbixiyay dhibaatooyinka ay qabaan garsooriyaasha Maxkamadaha dalka iyo duruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasarada Garsoorka C/laahi Bile Nuur ayaa sheegay inay xoojin doonaan garsoorka isla markaan ku baahin doonaan dalka oo dhan.

Wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo Golaha Adeegga Garsoorka sida wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu balanqaaday in Wasaaradda garsoorka ay wax ka qaban doonto caqabadaha horyaala garsoorka Soomaaliya oo ay ka mid tahay amaan darrida iyo dhibaatooyinka dhaqaale.

Garsoorka Soomaaliya ayaa ah mid uu dishay musuqmaasuq baahay, waxaana arrintaas usii dheer dowladaha dalka ka jiray oo aan dhaqaale wax ku ool ah ku bixin maxkamadaha, taasoo keentay in laaluushku baaho.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!