Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug oo lagu weeraray Cabudwaaq

Read Time:56 Second

eptember 8 (Mareeg.com)—Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulka Galmudug C/qaadir C/llaahi Warsame ay kooxo hubeysan ku weerareen guriga u uka degen yahay degmada Cabudwaaq.

Wasiirka ayaa la sheegay in ay weerareen ciidamo taageersan maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe waaberigii saaka waxaana weerarkaas ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan saddex ruux oo isugu jira kooxdii weerarka qaaday iyo ilaalada wasiirka ayaa waxaa soo gaaray dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug ayaa ka badbaaday weerarka.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug C/qaadir C/llaahi Warsame ayaa ku eedeeyay weerarka lagu qaaday in ay ka dambeeyeen ururka Ahlu Sunna lagana soo abaabulay weerarka magaalada Dhuusomareeb. Maamulka Ahlusunna ayaan illaa iyo hadda ka hadlin eedeeynta uu u soo jeediyay wasiirka ka tirsan maamulka Galmudug.

Khilaafka u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa mararka qaarkood gaara gacan ka hadal waxana ciidamada Galmudug ay bishii aynu ka soo gudubnay xabsiga u taxaabeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna ay ugaga dhowaaqday magaalada Dhuusomareeb.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.