Wasiirka Gaashaandhigga oo kulamo ka wada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

Read Time:33 Second

Kismaayo (Mareeg)—Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa weli kulamo kala duwan waxuu ka wadaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Wasiirka Diini ayaa Magaalada Kismaayo waxuu kulamo kula qaadanayaa Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo, kuwaasi oo uu ka dhaadhicinayo in ay ka qeyb galaan Shir dib u heshiisiineed oo ka socda Magaalada Kismaayo.

Odayaashan ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa dhaliilsan hanaanka uu ku socda Shirka Dib u heshiisiinta ee la isugu keenyo Beellaha degga Gobolada Jubbooyinka.

Wasiirka Gaashaandhiiga oo todobaadkii la soo dhaafay gaaray Magaalada ayaa haatan waxuu ku qancinayaan Odayaashaasi ka qeyb galka Shirka ka socda Xarunta Gobolka Juabada Hoose.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.