Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Sudan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Sudan

Muqdisho – Mareeg.com: Wasirka gaashaandhigga Soomaliya Jen. Maxmed Sheekh Xasan Xaamud iyo saraakil ka tirsan ciidamada ayaa maanta ka amba baxay mgaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxmed Sheekh Xasan Xaamud ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalka Sudan, Jeneraal Cabdiraxiin Maxamed Xuseen.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dhinac, iskaashiga dhanka militeriga iyo taageerada dowladda Sudan ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya S/guuto Maxmed Sheekh Xasan Xaamud ayaa inta uusan ka amba bixin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu warbaahinta u sheegay inu dalka Sudan booqasho ku joogi dooni muddo 5 maalmood ah, kadib markii uu casumaad ka helay dhisgiisa dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay iuuna rajeynayo in isaga iyo wafdigiisu muddada shanta cisho ah ee ay ku suganyihiin dalkaasi ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dalka Sudan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More