Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya

Muqdishi – Mareeg.com: Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta u ambabaxay dalka Sacuudiga kadib markii uu cusmaad ka helay dowladda dalkaas.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ka warbixiyay safarka shaqo ee uu ku tagayo dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkaasi islamarkaana uu kala hadli doono xaaladaha amni, dhaqaalo, waxbarasho, caafimaad, iyo mid siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhanka kale tilmaamay inuu dadaal ku bixinayo in wax laga qabto xaalada cakiran oo ay ku sugan yihiin Soomaalida ku xir xiran xabsiyada dalka Sacuudiga.

Wasiirku si cad uma sheegin ujeedada uu u booqanayo dalka Sacuudiga oo ka mid ah dalalka taageera dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ku noolyihiin kumanaan Soomaali ah oo qaarkood ay heystaan dhibaatooyin nololeed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!