Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Guriceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Guriceel

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ay safar dhinaca dhulka ah ku gaareen degmada Guriceel, halkaasoo dagaalo ay ka dhaceen.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Wasiirka oo goor hore ay diyaarad ka dejisay degmada Dhuusa Mareeb ayaa safar dhinaca dhulka ah kaga ambabaxay, waxaana ujeedka safarka Wasiirka lagu tilmaamay inay tahay sidii loo dhameyn lahaa xiisada ka taagan degmada iyo xalinta dagaaladii ka dhacay.

Mr Diini ayaa la kulmi doona Madax dhaqameedyada iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Guriceel, iyagoo ka hadli doona sidii loo joojin lahaa dagaalka, isla markaana dadka deegaanka ee barakacay ay dib ugu soo laaban lahaayeen

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Ururka Ahlusuna ee gacanta ku haya Guriceel, isagoo kala hadli doona arrimaha colaada taagan iyo sidii heshiis loo gaari lahaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa galabta booqan doona saldhiga ciidamada xooga dalka ku leeyihiin duleedka Guriceel.

Wafdiga Wasiirka ayaa caawa ku hoyan doona degmada Guriceel, waxaana la filayaa in heshiisyo laga gaaro dagaaladii ka dhacay degmadaas ee u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xoogaga Ahlusuna

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!