Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya: Dagaalka Baled Xaawo wuxuu u adeegayaa Alshabaab

Read Time:44 Second

Muqdisho– Mareeg.com: Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda maalmihii lasoo dhaafay kazoo cusboonaatay degmada Baled-xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo manta Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ka socda Baled-xaawo uu yahay mid u adeegaya Alshabaab.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in dhamaan ciidamada dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney la wada dagaallamaan Alshabaab, balse ay wax xun tahay in iyaga la iska horkeeno.

“Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxey u taagan yihiin iney Alshabaab la dagaalamaan, waana khalad in ciidamada la iska horkeeno, taasoo u adeegeysa danaha Alshabaab” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Degmada Baled-xaawo ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaallamay ciidamo isku deegaan ah oo kala taabacsan fikirka maamulka Juba ee Axmed Madoobe iyo hogaamiyo iyo kuwa kale oo fikirkaas kazoo horjeeda.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %