Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland: Gaas wuu tegi waayey Laas-qoray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland: Gaas wuu tegi waayey Laas-qoray

Hargeysa – Mareeg.com: Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cabdiaahi Cadami ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamadii maalmihii dhawaa ay u daadgureeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ay dib u celiyeen, isagoo dhanka tilmaamay inuu filayo in ay Puntland dibceliso ciidamada ay gobolkaas geysay.

Wasiirka Gaashaandhiga maamulka Somaliland, Axmed Xaaji Cadami ayaa sheegay iney soo celinta ciidamada ku dhaqaaqeen kadib markii madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu tegi waayey magaalada Laas-qoray, islamarkaana uu ku laabtay gurigiisa sida uu yiri.

“Ciidamo ayay soo dirteen oo haddana waa ay noqdeen, siyaasaduna ka hortag ayay leedahay ee in aad ka dabo tagtaa waa fadeexad, dhaqdhaqaaqii ay sameeyeen waa loo diyaar garoobay waxaanan filayaa in isaguna (Cabdiweli Gaas) uu ugurigiisii ku noqday, waanay og yihiin inaanay halkaas (Laas-qoray) ciyaar ciyaar ku iman Karin oo ay ciidamo hor joogaan, Markii uu isku dayay inuu tagana waa laga hor tagay oo waa uu ka noqday, hadda wax taagani ma jiraan, iyagana waxaa dantu ugu jirtaa inay ciidamadooda halkoodii ku noqdaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cadami oo la halday wargeysa Geeska Afrika ee kaso baxa Hargeysa.

“Arinkan iyo eedayntan ay jeedinayaan oo dhan waxa soo kiciyey tagitaankii ay Laas-qoray tagi kari waayeen, taas ayaa xumadda hada kacsan sare u qaaday. Laas-qoray waa halkii aanu ku dhalanay oo dadkii degaankaas lahaa ayuunbaa jooga. wax wanaag ah oo ay u sameeyeen Laas-qoray na ma jiro, waanad maqlayseen inay yidhaahdeen argagax baa nagu dhacay markii Madaxweynuhu uu Laas-qoray tagay.”

Kadib markii uu madaxweynaha maamulka Somaliland safar kedis ah ku tegay magaalada Laas-qoray oo Puntland iyo Somaliland ku muransanyihiin ayaa waxaa labada dhinac ciidamo dhoobeen deegaanka Carmala oo qiyaastii 80-KM u jira magaalada Ceerigaabo ee xarrunta gobolka Sanaag.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa todobaadkii hore booqasho ku tegay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland, waxaana Somaliland gobolka Sanaag u dirtay ciidamo dheeraad ah, iyadoo sheegtay iney ka hortegeysay in Gaas booqasho la mid ah tii Siilaanyo ku tago Laas-qoray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!