Wasiirka Gaashaandhiga Oo Maanta Booqday Deegaanka Laanta Buuro
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta degaanka Laanta Buuro ku booqday ciidamadii Milatariga ee dhawaan laga saaray Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa hadal u jeediyay Ciidamadii halkaasi ku sugnaa waxa uuna u sheegay in ay uu dalka ku jiro xaalad dagaal oo ay xilli walba diyaar noqdaa in ay duulaan qaadaan.
Ciidamada ku xareysan xerada laanta Buuro ayaa ka mid ah Ciidanka Milatariga ahaa ee laga Saaray Magaalada Muqdisho ee loo diyaariyay in ay Qaadaan Dagaal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadi doonaan howlgal culus oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.
Comments are closed.