Wasiirka Gaashaandhiga oo kulamo la leh Bulshada rayidka Caabudwaaq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Gaashaandhiga oo kulamo la leh Bulshada rayidka Caabudwaaq

Caabudwaaq ( Mareeg)-Faarax Cabdi Warsame Taliyaha Ciidanka Gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyay kulamo kala duwan oo uu Wasiirka Gaashaandhiga la qaadanayo Bulshada Rayidka ee ku dhaqan degmada Caabudwaaq isagoona sheegay in sidoo kale kulamo kale uu la qaatay Ciidamada dowladda ee ku nool Caabudwaaq.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in Wasiirka uu ka wado degmada Caabudwaaq dadaallo uu ku dhex dhexaadinaayo dhinacyada halkaas dagaalada ku dhexmareen.

Mr Faarax ayaa ugu dambeyn tilmaamay in sida uu sheegayo degmada Caabudwaaq ay maamulaan Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ah., xilli Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ay sheegeen in dagaal ay kula wareegeen Caabudwaaq.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!