Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Sh/Hoose, si ay xal nabadeed u dhex dhigaan beelihii dagaalamay

Read Time:1 Minute, 3 Second

Wafdi uu hogaaminayo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa gaaray Gobolka Shabellaha Hoose, si ay xal nabadeed uga gaaraan colaad beeleedyo mudooyinkii u dambeeyay ka socday deegaano ka tirsan Gobolkaas.

C/xakiin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda yahay sidii dadka ku nool deegaanada gobolka ay nabad waarta ugu noolaan lahaayeen.

“Ujeedada socdaalkeena wuxuu yahay sidii xal nabadeed loogu heli lahaa dhibaatooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ka aloosan ee beelaha walaalaha ay ku dagaalameen, waxaa naga go’an inaan halkan ka keeno dib u heshiisiin”ayuu yiri C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Waxaa uu sheegay in wafdiga ay qeyb ka yihiin odayaal dhaqameedyo, wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda labada dhinac, waxaana uu rajo ka muujiyay in xal laga gaaro dhibaatooyinkii dhacay.

“Waxaa xoojineynaa baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la joojiyo dagaalada, si aan dib loogu laaban dagaaladii sokeeye, waxaa dhici doona shir dib u heshiisiin deegaanka laga hirgeliyo oo beelaha dhan isugu imaanayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dagaalo beeleedyo soo noq noqday ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, iyadoo saaka dagaal dad badan ku dhinteen uu ka dhacay degmada Afgooye.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %