Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo booqasho aan horay loo shaacin ku timid Kismaayo

Kismaayo -Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidamada Milatariga General Samson Mwathethe ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku gaaray Saldhig Milatari oo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Labada Masuul oo la kulmay Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Nabad  Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ujeedka safarkooda lagu sheegay u kuur gelida xaaladda Ciidamada iyo weliba in ay xoojiyaan waajibaadkooda shaqo.

Mr mwathethe Taliyaha Ciidamada Milatariga ee dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamadooda ay la wadaagayaan farxada Ciida kirismiska isagoo intaa ku daray in ay yihiin geesiyaal u halgamay Qaranka Kenya.

Wasiirka  Difaaca Raychelle Omamo ayaa dhinaceeda xustay in Ciidamada Milatariga  ee Kenya ay suura geliyeen Difaacooda Qaranka laga soo bilaabo Sanadkii  2011 xilligaasoo ay Al Shabaab kala wareegeen Gobolka Jubbada Hoose.

Ms Omamo ayaa dhinaca kale Ciidamada iyo Saraakiisha Kenya u sheegtay in ay muujiyaan dadaalo dheeraad ah iyadoo sanadka 2017 dalka Kenya ay ka dhacayaan doorashada Madaxweyne ee dalkaas.

Labada Masuul ayaa Ciidamadooda  ku booriyey xoojinta Amniga ee xadka ay la wadaagaan Soomaaliya xilliga doorashooyinka .

Al Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka gaystaan deegaano ka tirsan dalka Kenya iyadoo Saraakiisha Amniga ay walaac xoogan ka muujiyeen weeraro qorsheysan oo Al Shabaab ka fulin karaan gudaha Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!