Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti oo ku wajahan Baladweyne

Read Time:39 Second

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon ayaa lagu wadaa in maanta gaaro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka mid ahaa Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa isaga haray Wafdiga Madaxweynaha oo dib Shalay ugu laabtay Dalka Jabuuti.

Waxaa uu Wasiirka booqan doonaaa Xerada Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dalka Jabuuti.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato,isaga oo kala hadli doona xaalada ay ku sugan yihiin iyo halka uu marayo howlgalka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal,kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Gudaha Soomaaliya.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.