Wasiirka duulista hawada oo dhagax dhigay dib u dhiska garoonka Baydhabo

Read Time:31 Second

Baydhabo – Mareeg.com: Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda Soomaaliya Siciid Jaamaca Qoorsheel iyo agaasimeyaal ka tirsan wasaaradaasi ayaa maanta garay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wasiir Qoorsheel ayaa magaalada Baydhabo u tegay qiimeyn iyo indha-indheyn ugu sameyn lahaa garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasi oo lagu wado in dayactir lagu sameeyo.

Wafdiga wasiirka waxaa ku wehliya Injineerka dhisi lahaa garoonka Magaalada Baydhabo, waxaana wasiirku islamaanta dhagax dhigay dib u dhiska lagu sameynayo garoonka Baydhabo.

C/qaadir Sheekh Cali oo ka mid ah maamulka magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in wasiir Qoorsheel uu dhagax dhigay dib u dhiska garoonka Baydhabo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %