Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo yimid Muqdisho

121

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed, ayaa ku soo dhoweeyay Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho dhiggiisa Talyaaniga, Marwo Elisabetta Trenta.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka qotada dheer iyo xoojinta iskaashi wadaagga labada dal u dhexeeya oo ay ku jirto dib uga howlgalidda sidii loo taaba-gelin lahaa heshiisyada la xiriira gaashaandhigga ee labada dal ay hore u kala saxiixdeen.

Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay xoojiso ciidankeeda qaran iyadoo kaashanaysa isbahaysigeeda si ay u fuliyaan howlgallo amni oo dhabarka looga jebinayo argagaxisada, laguna ilaalinayo soohdinadda beriga, badda iyo cirka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Cabdullahi Xaamud, Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Mudane Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!