Wasiirka difaaca Somalia oo Muqdisho la shiray saraakiil Ingiriis ah

Mareeg.com: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey, kulanna kula qaatay Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo, Gen John Lorimer.

Wasiir Diini ayaa sheegay in Britain ay taageero xoog leh oo ay ka mid tahay mid ciidan ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya, arrintaas oo uu uga mahadceliyey saraakiisha timid Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta waxa loogu yeero argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.

“Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka. Waxayna ballan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo dagaalka lagula jiro Cadowga” ayuu yiri wasiir Diini.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo sii hadlay ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntey, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa”.

Dalka Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka taageerada siiya dowladda Soomaaliya, iyagoo horayna Muqdisho uga furtay safaaradoodii.

diini-sarkil (1)diini-sarkil (2)diini-sarkil (3)

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245