Wasiirka difaaca Somalia oo la kulmay milaterigii Ahlsuna ka saartay Guriceel (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka difaaca Somalia oo la kulmay milaterigii Ahlsuna ka saartay Guriceel (Sawirro)

Mareeg.com: Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo maalintii saddexaad booqasho ku joogga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu maanta kormeeray Dugsiga Tababarka Ciidamada Militariga ee Harqaboobe.

Xerada Harqaboobe oo ku taala duleedka Guriceel, ayaa waxaa ku xareysan ciidanka militariga dowladda Soomaaliya, ee dagaalka looga soo saaray Guriceel.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay ciidamada militariga, ayaa wuxuu kula dardaarmay inay iska ilaawaan wax la yiraahdo dagaal, isla-markaana ay xalka ku raadiyaan wada hadal iyo wada xaajood.

Wasiirka, ayaa sidoo kale ciidanka militariga ku amray in laga doonaayo inay noqdaan ciidan qaran, oo ku shaqeeya awaamiirta masuuliyiinta ka sareysa.

General Diini, ayaa tilmaamay in wada hadalo ay u soconayaan madaxda Ahlu Sunada magaalada Guriceel, isla-markaana ay heshiis kala saxiixan doonaan.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa Guriceel u tegay inuu xal u raadiyo dagaal soo laalaabtay oo halkaas ku dhexmaray milateriga iyo ciidamada Ahlusuna Waljamaaca oo markii hore isku saf ahaa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More