Wasiirka Difaaca Somalaiya Oo Muqdisho Kula Kulmay Taliyaha Ciidamada Taliyaaniga

Read Time:2 Minute, 11 Second

Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/Xakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muuse Cabdulle Maxamuud, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen. Daahir Aden Cilmi Indha-qarshe, Abaanduulaha CXDS Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde kula kulmay Wefdi ka socday Dowlada Talyaaniga uu hogaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.

Admiral Mantelli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, iyadoo Kulanka ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Gen.Muuse Xasan iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Andrea Messella.

Kulankaan oo ahaa mid saacado badan qaatay islamarkaana ay albaabada ulaabnaayeen ayaa lagu lafa guray mudadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeenta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Faqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay horummaradii ugu dambeeyay oo ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in lasii dardar geliyo dedaallada ay Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin Amniga iyo Xasilinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Alshabab ay Qatar ku yihiin amniga guud ee Gobolka loona baahnayhay in si wadajir ah looga qeybqaato dabargoynta Kooxdaasi xagjirka ah eek u xiran Alqaacidda.

Sidoo kale S. Guuto Daahir Aden Cilmi Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamada milateriga u baahanyihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo Tababbarrada si ay usii dardargeliyaan Dedaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.

Taliyayaha ayaa farta ku fiiqay in Soomaaliya ay haatan leedaha labo cadow oo kala ah Alshabab iyo Burcadbadeedda kuwaasoo Qatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida Dalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli oo isna ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay in Dowladda talyaaniga ay ka go’antahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan Milateriga iyo Booliska waxa uuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay dowlada Soomaaliya ka gaartay xagga nabadgelyada wadanka oo ay Ciidamadu magaalooyin farabadan ka saareen maleeshiyaadka Alshabab.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay 17-kii September Magaalada Rome ku wada saxiixdeen Wasiirrada Gaashaandhigga Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga kaasoo qodabbadii lagu gaaray ay kamid ahaayeen Qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro jiritaanka Alshabab iyo Xulafadooda ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %