Wasiirka difaaca oo loo magaacabaay sii hayaha xilka wasiirka amniga qaranka

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah xilka qasiirka amniga qaranka u magacaabay inuu sii hayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa u sheegay warbaahinta in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda uu u magacaabay sii hayaha wasiirka amniga qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isagu sidoo kale ah qasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

24-kii bishan May ayey aheyd markii uu xilkan iska casilay wasiirkii hore ee amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo xilkaasi haayey mudo 20 bilood ah.

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa is casilay kadib markii Alshabaab weeraro dhowr ah u geysteen xarrumo muhiim ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo uu ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday baarlamaanka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245