Wasiirka Difaaca oo la shiray Odayaasha Caabudwaaq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Difaaca oo la shiray Odayaasha Caabudwaaq

Mareeg.com: Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa la kulmay odayaasha, waxgaradka, nabadoona iyo shacabka deegmada Waqooyiga gobolka Galgaduud.

Aayaha gobolka Galgaduud, dib u heshiisiinta, nabada, dhismaha maamulka gobolada dhexe ayaa looga hadlay kulanka dhexmaray wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo odayaasha Caabud Waaq.

Wasiirka Difaaca oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa shacab iyo waxgaradka kala hadlay midnimada iyo kala dambaynta isagoo xusay in gobolka Galgaduud ay degan yihiin beelo kala duwan.

“Dadka ku dhaqan  Gobollada dhexe waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri  Wasiir C/qaadie Sheekh Cali Diini.

“Odayaasha horteyda fadhiya waa dad leh  taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka ka dhex jira dadka ku dhaqan goboladan dhexe oo iyagu ay ka go’an tahay in ay yeeshaan maamul ay ku qanacsan yihiin ” ayuu yiri.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cqaasdir Sheekh Cali Diini ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Caabud Waaq oo ku taalla meel aad ugu dhow xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!