Wasiirka waxaa la socda wasiir ku xigeenka dastuurka, La-taliyaha dhinaca Siyaasadda ee wasaaradda gaashaandhiga, xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, waxgarad iyo siyaasiyiin.
Socdaalka wadiga ayaa la sheegay inuu la xiriiro wada-tashi dadka deegaanka lagala yeelanayo nabad kusoo badaallida dalka iyo sidii loo raadin lahaa dowladnimada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Caabudwaaq, C/risaaq Xasan Cowl oo ka hadlay kulan soo-dhawayn ah ayaa wafdiga uga mahad-celiyay booqashada uu kusoo gaareen Caabudwaaq.
“Waan ku faraxsanahay mudane wasiir booqashada aad adiga wafdigaaga ku soo gaarteen maanta degmada. Waxaan filaynaa inta aad nala joogtaan in aad wax badan ka ogaan doontaan xaaladda degamada oo runtii ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo u baahan in wax laga qabto,” ayuu yiri gudoomiyaha degmada.
Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini hadal ka jeediyay goobta ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Caabudwaq soo-dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in dowladdu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha degmada.
“Dawladda Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-gelinaysaa shacabkeedu in ay door ku yeeshaan dhismaha dowladnimada; isla markaana ay dowladdu u fududeyneyso inay sameystaan maamullo ku dhisma hab-raaca dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Waxaan wada-tashi ka yeelan doonnaa wax walba oo horumar keeni kara; sida dhismaha maamullada, ciidan Qaran iyo baahida kala duwan ee deegaanka ka jirta” ayuu yiri Jen. Diini.
Wafdiga ayaa ku sugnaan doona Caabudwaaq maalmaha soo socda, waxayna kulammo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha shacabka si loo dhageysto aragtida siyaasiyiin, wax-garadka iyo shacabkaba.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.