Wasiirka Difaaca oo ka warbixiyay kulamo ku saabsan dhismaha ciidamada uu Turkiga u aaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Difaaca oo ka warbixiyay kulamo ku saabsan dhismaha ciidamada uu Turkiga u aaday

Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin.

Safarka Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Dahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo saraakiil kale.

Wasiirka Difaaca ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalka Turkiga inuu kulamo la qaatay dhigiisa dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen arimo badan oo muhiim ah, kuwaasoo ku saabsan arrimaha gaashaandhiga,

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka wada xaajoodeensidii loo dhisi lahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed arintaasina ay gacan uga gaysan lahaayeen wadanka Turkiga.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga in ay ka qeyb galeen bandhig ku saabsan qalabka difaaca, waxaana halkaas uu ka jeediyey khudbad ku aadan sida ay dowladda Soomaaliya mar walba diyaarka ugu tahay in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya labada dal, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada ee dhibaatooyinka ka geysta Caalamka gaar ahaan Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!