Wasiirka Cusub Ee Gaashaandhiga “Waxaan Ka Shaqeyn Doonaan Sidii Loo Xaqiijin Lahaa Amniga Guud Ee Dalka”

Read Time:49 Second

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda  Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay qorshaha kaga dagan dagaalka Ururka Al Shabaab iyo xaqiijinta amniga guud ahaan dalka.

Waxa uu sheegay in uu yahay shaqi aad u yaqaano Ciidamada islamarkaana howsha ugu horeysa uu qaban doono ay noqon doonto sidii loo tayeyn lahaa Ciidamadada Xoogga dalka Soomaliyeed oo dhibaato ay ka muuqato.

Sidoo kale Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ahaan dalka, kadib la qorsheyn doono dagaal lagu qaado Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay dhiiri galin doonaan dhamaan ciidmadda Xoogga dalka Soomaliyeed si aysan u dhihin daryeel kama heshiin Madaxdiina.

Ugu dambeyntii Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in iskaashi ay la sameyn doonaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan, oo dhamaadka sanadkaan la rejeynayo in ay bilaabaan sidii ay kaga bixi lahaayeen guud ahaan dalka.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %