Wasiirka cusub ee caafimaada oo la dhaariyey

Read Time:51 Second

Mareeg.com: Wasiirka cusub ee caafimaadka Soomaaliya ee dhawaan xilkaas loo magacaabay, Cali Maxamed Max’ud ayaa manta lagu dhaariyey Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dhaarinta ka qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), R/wasaare ku xigeen ahn wasiirka Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno kale.

Wasiirka cusub ee caafimaadka, Cali Maxamed Max’ud oo ka hadlay munsaabadda lagu dhaariyey aya inuu sii wadi doono shaqadii uu qabtay wasiirkii isaga ka horreeyey.

“Maanta ayaa ley dhaariyey, xilkana dhawaan ayaa la wareegi doon, iga horna howl fiican ayaa la soo qabtay, meeshaas ayaana kasii wadi doonaa” ayauu yiri Cali Maxamed.

R/wasaare ku xigeen ahn wasiirka Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay iney golaha wasiirada kusoo dhaweynayaan wasiirka cusub.

Xilka wasiirka caafimaadka waxaa horaantii bishaan August R/wasaare C/weli Sheekh ka Gen. Axmed Maxamed Max’ud iyadoo aan la shaacin sababta xilkaas looga xayuubiyey, waxaase la sheegay inuu shaqada gudan waayey.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.