Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Oo Sheegay Iney Kala Qaadeen Dhinaycadii Ku Dagaalamay No.50

Read Time:1 Minute, 4 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur ayaa sheegay in wafdi wasiiro ah oo uu isagu hogaaminayey oo shalay gaaray deegaanka No.50, ay ku guuleysteen iney kala qaadaan dhinacyadii halkaas ku dagaallamay.

Wasiirka cadaalladda C/laahi Abyan Nuur ayaa sheegay in labadii ciidan ee dagaalamay ay mid walba geeyeen saldhiggii uu ku sugnaa dagaalka ka hor ayna xogo badan kasoo ururiyeen sababihii dagaalka keenay.

“Waan ku guuleysannay inaan ciidamadii kala geyno barihii ay horay ugu kala sugnaayeen kahor dagaalka, waxaana qorsheynaynaa inaan xogo aan soo ururinnay ka soo saarno warbixinno ku aaddan cidda iska leh mas’uuliyadda dagaalkaas,” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey inaan markale dagaal kusoo laabaan degaankaas oo ah deegaan Istiraatiiji u ah ciidamada Soomaaliya, islamarkaana ay saldhiga ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalka todobaadkaan ka dhacay deegaanka No.50 ayaa u dhaxeeyey milateriga Soomaaliya iyo malieeshiyo beeleed, sida saraakiisha ciidamadu sheegeen, hase ahaatee dadka qaar ayaa dagaalkaas ku tilmaamay mid beeleed, islamarkaana shaarka ciidamada lagu soo gabaday.

Wasiir C/llaahi Abyan ayaa wuxuu ahaa hoggaamiyaha wafdi wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga, kuwasaoo shalay tagay deegaanka Lambar 50, isla shalayna dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %