Mrs. Xaawa ayaa sheegtay in ujeedada booqashadeeda ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahayn xaalada caafimaad ee ka jira gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdigaan ka socday dalka Qatar ayaa Jowhar ka furay Mashruuc loogu talagalay Soo gabashada degdeg ah, kaasoo lagu taageerayo dadka dhibaateysan ee gobolka Shabeellaha Dhexeh.
Ibraahin Cali oo hogaaminayey wafdiga Qatar ayaa waxa uu sheegay in mashaariic kala gedisan ay ka hirgelin doonaan gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana ay mashaariicdaasi oo dhinaca horimarinta bulshada ah ay ku bixin doonto $1 Milyan dollar.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellah Dhexe, Cali Guudlawe Xuseen ayaa sheegay in uu ku soo dhoweynayo wafdigan heerka wasiir ah magaalada Jowhar uuna ku faraxsan yahay in magaalada Jowhar oo ah magaalo nabaded ay wafdigan soo booqdaan.
Wafdiga maanta soo gaaray magaalada Jowhar ayaa ah wafdigii heer wasiir ah oo ka socda dowlada Federalka oo soo gaaray magaalada Jowhar xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.