Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Ku Simihii Agaasimaha Guud Ee Wasaarada + Akhri * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Ku Simihii Agaasimaha Guud Ee Wasaarada + Akhri

Wasiirka Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ku simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi, isagoo magacaabay ku sime cusub.

Warqad ka soo baxday Wasiirka oo ku taariikheysneyd 18-kii bishan, kuna socotay Agaasimaha shaqada laga joojiyay, laguna ogeysiiyay, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.

Sidoo kale Ku simaha cusub ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknooliyada ayaa waxaa loo magacaabay C/raxmaan Macalin Caddow, inta laga soo magacaabayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!