Wasiirka Arrimaha Gudaha” Waxaan Qaadeynaa Tallaabo Waliba oo lagu Qancinayo Odayaashii ka Carooday Shirkii Jowhar” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha” Waxaan Qaadeynaa Tallaabo Waliba oo lagu Qancinayo Odayaashii ka Carooday Shirkii Jowhar”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha gudaha ay ku dadaaleyso sidii loo Qancin lahaa dhammaan Beelaha wada dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu magaalada Beledweyne kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe islamarkaana u jeedkiisu uu ahaa sidii ay usoo bixi laheyd waddo ay ku qanci karaan beelaha.

Wasiirka wuxuu sheegay iney qaadayaan tallaabo waliba oo ay ku qancayaan odayaashii ka Carooday shirka magaalada Jowhar.

Odawaa Wuxuu intaasi ku daray in wax ka badal lagu sameynayo qaabka wasaaradda Arrimaha gudaha marka hore ugu talo gashay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!