Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeynta Somaliland

Read Time:2 Minute, 49 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay hadal 19-kii bishaan Magaalada Hargeya uu kaga dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Warn-cadde, kaasoo uu ku sheegay in cadowgooda koowaad uu yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiika arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay hadalka ka soo yeeray Cali Waran-Cadde, wuxuuna tilmaamay wasiuirku in hadlkaasi caqaba weyn ku yahay wada hadaladii labada dhinac iyo is fahamkii ay horay gaareen.

“Aad iyo aad ayaan runtii ula yaabnay haddaan nahay dowlada Soomaaliyeed hadalkaas ka soo yeeray mas’uulkaasi sare ee ka tirsan maamulka Somaliland, maxaa yeelay dowlada Soomaaliyeed mas’uuliyaddeeda guud ahaanba waxey tahay sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad gelyo iyo xasilooni ugu soo dabbaali laheyd” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed.

“Waajibkeenu waa inaan ka shaqeyno sidii loo sii hormarin lahaa nabadgelyada ka jirta deegaannada xasiloon ee maamullada Somaliland iyo Puntland” ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed oo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka Cali Warn-cadde ee dowladda ku eedeeyey iney qalqal ka abuureyso Somaliland.

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa shacabka Somaliland ku wargeliyey in dowladda Federaalka ah ee Somaliland aanay marnaba caqabad ku aheyn nabada Somaliland, isagoo ugu hambalyeeyay guulaha dhinaca ammaanka ee ay gaareen dadka reer Somaliland.

Wasiir Guuleed ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland iney ka waantoobaan wararka warbaahinta la marinayo ee khilaafka anbuuri kara “Waxaa ka codsanayaa walaalaha reer Somaliland inay ka waantoobaan hadaladan oo kale oo aysan ku habooneyn walaalnimada, heshiiskii iyo wada hadalkii horay u dhacay wuxuu dhigayay in wax kasta oo wax u dhimi kara inaan la soo hadal qaadin” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudah Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed.

Cali Maxamed Warancadde oo 19-kii bishaan warbaahinta kula hadlay magaalada Haregaysa ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh ay deegaanada Somaliland ka waddo qoreyaal kharbudaad ah sida uu yiri.

“Cadowga ugu horreya ee Somaliland waa dowladda Soomaaliya, madaxweynuhu ha ugu horeeyee” ayuu yiri Cali Maxamed Warancadde.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waqtiyaadaan abaabuleyso oo sida uu yiri ay duufsaneyso dad u dhashay Somaliland si deegaanada Somaliland loogu ekeysiiyo Soomaaliya inteeda dhibaatadu ka jirto.

“Waxaan ka warheynaa iney abaabulayaan dad la duufsaday oo reer Somaliland ah si loo abuuro fadqalalo, khilaafaad, kharbudaad iyo deganaasho la’aan siyaasadeed” ayuu sidoo kale ku dooday Warancadde.

Cali Maxamed Warancadde wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya lacago badan ku bixisay sidii loo fulin lahaa qalalaase laga sameeyo Somaliland oo sida uu ku dooday uu mid yahay qorshe hubeysan.

“Waxaan sidoo kale ka warheynaa iney dhaqaale badan ku bixiyeen dad reer Somaliland ah oo ay ku jiraan kuwa hubeysan si fowdadaas u fuliyaan” ayuu sdioo kale yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Warancadde.

Cali Warancadde ayaa sidoo kale u hanjbaya axsaabta muraadika ee maamulka Somaliiland oo doonaya iney qabtaan shir qaran oo looga hadlayo arrimaha Somaliland, wuxuuna ku dooday inu ka hayo feylal sir ah oo uu soo bandhigi doono haddii ay ka hari waayaan shirka ay abaabulayaan.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa bisha soo socota lagu wadaa in wajigii labaad wada hadalada labada dhinac uu ku dhex maro dalka Turkiga, kadib markii uu baaqday wada hadaladii lagu waday in horaanta bishan November uu qabsoomo, balse cudur daar ka yimid dowladda Soomaaliya dib loogu dhigay bisha December.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %