Hargeysa, Mareeg.com: Wasiirka arrimaha gudaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta sheegay iney cdowga koowaad ee Somaliland leedahay yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Cali Maxamed Warancadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Haregaysa ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh ay deegaanada Somaliland ka waddo qoreyaal kharbudaad ah sida uu yiri.
“Cadowga ugu horreya ee Somaliland waa dowladda Soomaaliya, madaxweynuhu ha ugu horeeyee” ayuu yiri Cali Maxamed Warancadde.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waqtiyaadaan abaabuleyso oo sida uu yiri ay duufsaneyso dad u dhashay Somaliland si deegaanada Somaliland loogu ekeysiiyo Soomaaliya inteeda dhibaatadu ka jirto.
“Waxaan ka warheynaa iney abaabulayaan dad la duufsaday oo reer Somaliland ah si loo abuuro fadqalalo, khilaafaad, kharbudaad iyo deganaasho la’aan siyaasadeed” ayuu sidoo kale ku dooday Warancadde.
Cali Maxamed Warancadde wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya lacago badan ku bixisay sidii loo fulin lahaa qalalaase laga sameeyo Somaliland oo sida uu ku dooday uu mid yahay qorshe hubeysan.
“Waxaan sidoo kale ka warheynaa iney dhaqaale badan ku bixiyeen dad reer Somaliland ah oo ay ku jiraan kuwa hubeysan si fowdadaas u fuliyaan” ayuu sdioo kale yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Warancadde.
Cali Warancadde ayaa sidoo kale u hanjbaya axsaabta muraadika ee maamulka Somaliiland oo doonaya iney qabtaan shir qaran oo looga hadlayo arrimaha Somaliland, wuxuuna ku dooday inu ka hayo feylal sir ah oo uu soo bandhigi doono haddii ay ka hari waayaan shirka ay abaabulayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay iney ka jawaabto xilligaan eedeynta uga timid dhinaca maamulka Somaliland oo doonaya inuu dowladda Soomaaliya ka helo iney ogolaato in la noqdo labada dal, taasoo gebi ahaanba dowladda Federaalka Soomaaliya ay diidantahay.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa horay ugu socday wadahadal soo gaaray meel dhexe, kaasoo kazoo bilwoday dalka Ingiriiska, kadibna loo wareejiyey dalka Turkiga, lamana oga saameynta warkaan ka yimid Somaliland ku yeelan karo wada hadalka.
Mareeg.com