Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ka been sheegay shirka Afisiyooni, kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ka been sheegay shirka Afisiyooni, kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland
Read Time:1 Minute, 33 Second

Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhaban Cadde oo si online ah dhalinyaro badan kala hadlayay barta Club House ayaa waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Marka 1-aad wasiirka ayaa ka been sheegay Shirka Afisyooni isagoo xusay in  Beesha Caalamka ay go’goshiisa dhigtay, dadkana isugu yeedhay oo qaban-qaabisey balse Beesha Caalamka qudheeda  aya sheegtey in shirka ay hormuud ka tahay Soomaali gaar ahaan dowladda Federalka Soomaaliya kadib war saxaafadeed ay soo saartay.

Dhanka kale wasiir Dhaban Cadde ayaa sheegay  in ay gacanteeda ku soo celinayso magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo oo ay ka arrimiso Somaliland.

Waxa uu xusay in Gobalka Sanaag uu si dhameestiran gacanta ugu jiro gobalka Sanaag isagoo tilmaamay in deegaano kale ay ka maqan yihiin oo dagaal lagula wareegi doono.

“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa, sidoo kale Laascaanoodna iyada oo aan howl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa”. -Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Dhaban-cad.

Waxa uu dhanka kale xusay in Puntland ay gacantooda ku jiraan inkabadan 2000 oo askr oo ka soo goostay Somaliland kuwaa oo uu sheegay iney u diiwaangashin yihiin islamarkana ay xuquuqdooda qaataan.

Wasiirka oo u muuqda inuu colaad kicinayo ayaa intaa ku daray ayaa tilmaamay in magaalada Badhan laga sifiiyay Somaliland isagoo ku nuux nuuuxsaday in Ceergaabo ay la wareegi doonaan .

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland ayaa siyaabo kala duwan kaga falceliyay hadalka Dhaban Cadde iyagoo sheegay in deegaanadii rasmiga ahaa ee Puntland aaney ka jirin wax horumar ah in hadda uu maamulka u hanqal taagayo goobo kabaxsan gacantooda.

Qof kamid ah dadka ka hadlay arrintaan ayaa yiri “ Gaas waxaa laga hayaa “ Xaliimo yareey Sacuudiga hadii la weydiiyo doorasho ka qabanaa ayey oroneysaa, haatan wasiirka Boorme xitaa gacanta iney noo soo gasho waxyar baa u dhiman ayuu oron lahaa hadii la weydiiyo.

 

Muqdisho-Somalia               

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.