Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Shir ka furay Muqdisho

Read Time:47 Second

Kulankaan waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Amniga deegaanadii ciidanka Xoogga dalka ay kala wareegeen  Ururka Alshabaab, waxaana ka qeyb galay hey’adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fereraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhoweeyay howlgalada ciidan ee looga saarayo  deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin.

“Waxaan soo dhoweynayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolka shabeelaha hoose, kaas oo la doonayo in dib loogu xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta Dowlada” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay inay si degdeg ah ugu shaqeynayaan xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo in la gaarsiiyo adeegyada nolosha dadka muhiimka u ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay safiirada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya oo uu kala hadlay kordhinta taageerada mashaariicda xasilinta.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka socday Gobolka Shabeelaha hoose howlgalo Ciidanka Xoogga dalka deegaano muhiim ah kaga saareen  Al Shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.