Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hortegaya baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hortegaya baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya

Mareeg.com: Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa looga yeeray wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), kadib markii baarlamaanku labo maalmood dood ka yeelanayey mooshin laga geeyey baarlamaanka KMG ah ee Juba.

Sida uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ka sheegay gebagebadii kulankii shalay ee baarlamaanka, wasiir Odawaa ayaa wax laga weydiin doonaa murranka ka taagan qaabka lagu soo xulay xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Juba.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa u xilsaaraan iney maamullada la dhisayo kala shaqeyso arrimaha farsamada iyo fududeynta shirarka lagu dhisamayo maamul goboleedayada.

Xildhibaanada baarlamanka federaalka ah ee doodda ka dhiibtay labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulamadii baarlamaanka ayaa jeediyey afkaaro kala duwan, qaarkood ayaa qabay inaan la faragelin baarlamaanka Juba, halka qaar kale qabeen in lagu dhisay qaab sharci darro ah, iyadoo ay jireen kuwa qabay in wixii khladan la saxo.

Markii ay labo maalmood doodahaasi baxeen ayaa gudoomiye Jawaasi xildhibaannada u sheegay in maanta oo ah arcabo uu baarlamaanka ka wacanyahay wasiirka arrimaha Gudaha, Odwaa, si wax looga weydiiyo waxa wasaaraddu kala socoto khilaafka ka jira dhismaha baarlamaanka Juwa oo lagu dhawaaqay bishii hore ee April 2015.

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee diyaariyey mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka KMG ah ee Juba ayaa ku doodaya in baarlamaankaas oo ka kooban 77 xildhibaan lagu dhisay qaab cadaaladda ka fog.

Mas’uuliyiinta maamulka Juba ayaa iyagu ku gacanseyray eedda loo jeediyey ee ah in baarlamaanka u dhisan maamlkoodu yahay mid lagu dhisay cadaalad darro, waxeyna sheegeen in baarlamaanku yahay mid ay u dhanyihiin beelaha Jubbooyinka oo dhan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!