Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb kana hadlay diidmada Ahlusunna+Sawiro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb kana hadlay diidmada Ahlusunna+Sawiro

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiirka ayaa waxaa dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Xubnaha dowladda ee halkaasi ku sugan, Maamulka degmada,Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska,waxaana uu Wasiir Sabriye ka hadlay dhismaha Maamulka Galmudug iyo diidmada sida ay dowladda wax u wado hoggaanka Ahlusunna.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in si deg deg ah loo guda geli doono dhismaha Galmudug loo dhan yahay,isla markaana aysan ka hor imaan Karin hoggaanka Ahlusunna eek u biiray Galmudug.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Galmudug loo dhan yahay ay muhiim u tahay dadka deegaanka loogana baahan yahay inay ka tashadaan,isaga oo meesha ka saaray in la hakiyo dhismaha Galmudug.

Hoggaanka Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ayaa waxaa ay diidmo ka muujiyeen sida ay dowladda u wado dhismaha Galmudug, iyaga oo kulamo xasaasi ah ku leh Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!