Wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray Dhuusa Mareeb

Mareeg.com: Wafdi uu horkacayao wasiirka arrimah gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Diyaarad gaar ah, ayaa wefdiga Wasiirka ka duulisay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wefdiga Wasiirka, ayaa waxay kulamo kala duwan ay Magaalada Dhuusamareeb kula lee yihiin Odayaasha Dhaqanka, si mowqif mideysan looga wada qaato halkii lagu qaban lahaa shirka lagu wado in Maamulka Gobolada Dhexe lagu soo dhiso.

Goobta lagu qabanayo shirka maaulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud ayaa muran badan ka taagan yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa rabta in lagu qabto Cadaado, halka odayaashii ku shiray Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aya hiray Dhuusa Mareeb u tegay inuu odayaasha halkaas ku sugan ku qanciyo iney u dareeraan Cadaado si shirka halkaas loogu qabto, hase ahaatee waa ay diideen.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa haatan sugata shaqo culus, iyadoo madaxweyne Xasan oo labo jeer ka baaqday Dhuusa Mareeb.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245