Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya oo ka badbaaday mooshin * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya oo ka badbaaday mooshin

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ka bad baaday mooshin lag geeyey baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo maalmahaan xildhibaanadu ka doodayeen.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo gaarayey 60 ayaa horay baarlamaanka u geeyey mooshin ka dhan wasiir Goodax, iyagoo sheegay inuu khalad ka sameeyey arrimaha maamul u sameynta qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobollada dalka.

Intii ay socotay dooda ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha oo hadlay waxaa uu ka dalbaday Gudoonka Baarlamaanka in codka kalsoonida loo qaado, isagoo tilmaamay inuu diyaar u yahay wixii qaladaad ah iyo dal daloolaha jira inuu saxo.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa amray in codka kalsoonida loo qaado, waxaana hoolka ku sugnaa 144 xildhibaan, 115 ayaa kalsoonida siiyey wasiir Goodax, 18 xildhibaan ayaa diiday, waxaann ka aamusay 11 Xildhibaas.

Wasiirka ayaa markii uu helay codka kalsoonida u mahadceliyey xildhibaanada, wuxuuna sheegay inuu saxayo wixii khalad ah ee wasaaradiisa laga tabanayo.

Dhawaan ayaa baarlamaanku su’aalo weydiiyey wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre, waxaana xildhibaanada qaar sheegeen inuu baarlamaanka qncin waayey, taasoo keentay iney mooshin ka dhan ah geeyaan baarlamaanka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!