Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo safiirka Talyaaniga oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Read Time:57 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay wasaaradda laguna faafiyey ciwaanadeeda baraha bulshadda, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga labada dal.

Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay salaan iyo hambalyo ku aaddan xilkan cusub ee loo magacaabay, taas oo uu uga siday Dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga.

Dhankiisa, wasiir Cali ayaa, sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda, wuxuu xusay saaxiibtinnimada dhow iyo xiriirka  taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dowladda Talyaaniga.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagaga wada hadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada ammniga, dhaqaalaha, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhanka Waxbarashada.

“Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii ay dowladda Talyaanigu gacan uga gaysan lahayd tababarrada iyo tayaynta shaqaalaha dowladda, iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay fursad uga heli lahaayeen deeqaha Waxbarasho ee dowladda Talyaaniga,” ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %