Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho kusoo dhaweeyay dhalinyaro ku xirneyd xabsiyada Libya+Sawirro

Read Time:1 Minute, 4 Second

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad ay la socdeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo in mudo ah ku xayirnaa magaalooyin kuyaala dalka Liibiya.

Tahriibayaasha saakay dalka dib ugu soo laabtay ayaa gaaraya 97-qof oo 5 kamid ah haween yihiin, waxaana tahriibayaashan wajiyadooda ka muuqday diif xoogan iyo dhibaatooyin ay kula soo kulmeen Liibiya inta ay joogeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay tahriibayaashan Soomaaliyeed ee saakay dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiir Cabdisaciid oo garoonka Aadan Cadde kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dhibka ay kaga carareen Soomaaliya mid ka daran iney kala kulmiyeen Libya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay ku howlantahay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa qaxooti farabadan oo xabsiyada aduunka ku xiran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii lasoo dhaafay dalka Turkiga kula kulmay hogaamiyaha la aqoonsanyahay ee dalka Liibiya isagoo kala hadlay sii deynta Tahriibasyaasha Soomaaliyeed ee ku xiran Libya.

Dowlada Soomaaliya ayaana gacan weyn ka geesatay sidii tahriibayaashan oo ku xayirnaa dalka Liibiya ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo, waxaa sidoo kale la filayaa in tahriibayaal kale oo Liibiya jooga in dalka iyana dib loogu soo celiyo.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %